What is web 3.0 | the evolution of the Internet?

 Sannadkii u dambeeyay teachnology-yada sida aadka ah loo hadal hayay ee mustaqbalka dhowna la filan doono in loo gudbo waa web 3.0 waana evolution-ka internetka inbadan oo dadka kamida internet-ka waxa ay ku soo gaareen ama ay arkeen webflow oo kaliya waana midka xitaa aynu maanta isticmaalno, haddii aad dib ugu noqoto bilowgii internet-ka yacnii asaaskii website-yada 1990-kii internet-ku aad ayay u adkayd xiligaas in macluumaad laga dhex raadiyo, sidoo kale xitaa macluumaadka internetka ku jira sida buug qoran oo kaliya ayay ahaayeen, cidnana ma aysan awoodin in ay comment ama reaction ay ka bixiyaan, website-yada qadiimiga ah haddii aad fiirisid 20 sano kahor wararka ay soo tabin jireen oo dhan qofka akhristaha ah awood uma uusan lahayn inuu ka falceliyo, kaliya inuu akhristo ayuu akhristuhu ku khasbanaa, xiliyadaasna luqada html-ka ee website-yadu ay ku dhisnayeen dadka oo dhan ma aysan aqoo, in website lasameeyona aad ayay u adkayd dad khaas ah ayaana samayn jiray, inkastoo xitaa maanta sidaa ay tahay hadana qof inuu sameeyo website howlaha professional-ka ah oo kaliya ayaa loo adeegsadaa, hadaba internetka 20  sanno ka hor jiri jiray ee web 1.0 sidaas ayuu ahaa, dad wax badan internet-ka soo galiyana ma aysan jiri jirin, dadka isticmaala internet-kana aad ayuu u yaraa.

Sannado kadib waxaa loo gudbay waxaa loo gudbay web 2.0 waana la hormariyay internetka kadibna dhisitaanka webste-yada heer waxaa la gaarsiiyay soo saaraha iyo akhristahaba ay xiriir toos ah samayn karaan, waana isbadalka wayn ee internet-ka iyo faafintiisu halka ay ka bilaabatay, waayo dadka oo dhan ayaa jeclaaday technology-yada web 2.0 in soo saaraha iyo akhristaha iyo dhagaystahaba ay si toos ah u wada xiriiraan, taasna waxaa ka dhalanaya in dadka internetka ay kuwada xiriiraan, massenger iyo website-yo qadiimi ah oo waxaa soo baxay dadku massage-yada isugu diraan, ugu yaraan xiligaas 2005-tii waxyaabo casri ah ayaa loo arki jiray technology-yadani internet-ku ku dhisan yahay ee web 2.0 qofka website-ka wax ka akhrisan si toos ah ayuu aragtidiisa comment ugu qori jaray, is dhexgalka soo saaraha iyo qofka macmiilka ahna waxa ay kordhisay internet-ka in dadku wakhti badan ku qaataan, Facebook-ga application-kale oo ku dhisan web 2.0 ayaa nolosheena si aad ah oo wayn u soo galay, heer xitaa waxaa la gaaray si kaduwan sidii hore in dadku hal website iyagoo malaayiin ah inay kuwada kulmaan, halkaasina wakhti aad u badan ay ku qaataan, sida hadaba dhammaanteen aan website-kan Faceboomk-ga aan ugu wada jirno, waagii hore dadku website haddii ay soo galaan maalaayiin qof ma aysan noqon jirin, haddii ay aad u bataan website-ku aad ayuu u daciifi jiray tira badnaanshaha dadaka awkeed, mudo kadibna website-ku hawada ayuu ka bixi jiray, inkastoo haddaba xitaa dhibaatadaasi ay jirto, hadana toban sanno kahor marka loo fiiriyo maanta aad ayay u yartahay.

Hadaba mar haddii internet-ka dhexdiisa laba qof ay kala xog qaadan karaan waxaa khasab noqotay in loo baahdo shirkad kale oo sadexaad oo inoo suura galinaysa in adiga iyo adigaba aan kuwada xiriirno, tusaale wakhti xaadirkaan labadeena aan kala xog qaadano waxa ugu wayn ee inoo suurta galinaaya waa shirkada Facebook, shirkadahanise waxa ay halkaan ka heleen awood aad u badan oo aan la rumaysan karin, laga soo bilaabo adiga, aniga , iyo qof walba oo website-kooda soo galab xogtiisa ayay gacantooda ku hayaan, badanaa hadafkooda shirkadahani wuxuu yahay website-kooda in aan wkhti aad u badan aan galino si kastoo dadku ay u moodaan in platform-yadan ay lacag la’aan yihiin, haddana shirkadahani daqiiqad walba oo aad platform-kooda aad ku jirtid iyaga aktooda waxa ay uga dhigan tahay lacag, haddii la dhaho isticmaalka internet-ka ama isticmaalka Instgram-ka bishii waa $1 waxaa hubaala malaayiin qofood ama boqolaal milyan oo qofood ayaa isticmaalka shirkadahan ka tagi lahaa  aad ayayna u adagtahay in platfor-yadan lacag laga dhigo, taas badalkeeda si aad wakhti badan internet-ka ugu qaadatid ayay shirkadahani target-koodii uu yahay laga yaabaa haddii aad isla yaaban tahay in taleefonka gacantaadii uusan ka dhicin habeenkiina aad ku dhafarto bilaa u jeedo waa inaadan waxba ka walwalin waayo shirkadahani waxa ay ka shaqaynayaan ee ay dhaqaalaha ka sameeyaan ayaaba ah sidii adiga laguu madadaalin lahaa caqliga macmalka ah ee computer-kana dabeecadaada marka uu barto, waxyaabaha aad la yaabto ee aad aadka u fiiriso inbadana aad ku soo celceliso halka aad booqoto, waxyaabaha like-ta aad saarto, dhammantood marka uu kala ogaado waxa uu kuu helayaa xal aad u fudud waxaadna u noqon doontaa target qof uu fahmay dabeecadihiisii, kaliya waxyaabo aad jeceshahay ama waxyaabo u dhow iyo waxyaabo darenkaada kicin kara ee suurta galin karana in uu mudo badan internet-ka aad ku jirtidna suurtagalin kara, ayuu hortaada soo dhigayaa, adiguna waxyaabahani in aad dareento suurta gal maahan, qofka waxa uu u maleeya internet-ka wax iska yaala uun in uu iska arkay. 

Cilmi baaris lagu sameeyay shirkadaha waawayn ee data-da qofka gacata ku haya waxaa la ogaaday inay platfor-yadooda si aad ah u fiirsadaan dadka soo gudbiya waxyaabaha dadku sida aadka ah ay uga falceliyaan, tusaale haddii uu jiro wariye soo gudbiyo xog xasaasi ah dadka dareenkoodana kicinaaya, muuqaalada ama qoraalkaas ayuu mar waliba hortaada uu soo dhigaa, taasina waa mid kamida dhaleecayta shirkada Facebook-ga oo sannad kahor ah loo soo jeediyay, dabcan shirkadan iyo kuwa la midka ahba inay sidaan sameeyaa, oo dadka hortooda ay soo dhigaan waxyaabo ay ku madadaaloodaan wakhtina ay ku qaataan waxaa ku tiirsan iyaga dhaqaalahooga, haddii qysan baran dabeecadaha dadka iyo goobaha ay booqdaan waxaa aad u soo yaraanaya traffic-ga platform-yadooda, hadaba technology-da waxyaabahan oo dhan inuu suurta galinaysa in hal website aan kuwada kulano halkaana aan kuwada xiriirno xogna aan isku dhaafsano shirkadahanina Data-dooda inay uruuriyaan waa technology-yada web 2.0 hadase bini-aadamku caqli kale oo cajiiba ayuu keenay, oo ah web 3.0, waxaana lagu fakarayaa in internet-ka evolutation wayn uu gali doono.


Ka hor inta aanan u galin web 3.0 iyo waxa uu yahay waxaa fiican inaan inaan tusaale iyo isbarbardhig aan kugu fahamsiiyo waxa uu yahay web 3.0. Waxaan kuu soo sheegay internet-ka maanta ee web 2.0 si aan iskula xiriirno ama laba qof ay isku wacaan in loo baahan yahah shirkad, shirkadaas oo dhica iyo dowlada oo dhinaca ayaa haysta laba awoodood taas oo kuu suurta galinaysaa inay kaa xiraan, hadaba technology-yada loo socdo ee web 3.0 ee hada loo socdo waxa ay ku leedahay “haddii shirkadahani ama maamulka xarun haddii laga kaaftoomo oo computr-da iyo moobilada oo dhan la isku xiro awood aad u wayn oo dadka ay gacantoodii ku haystaan ayaa halkaan ka dhalan karta” 


Technology-yada web 3.0 haddii internet-ka lagu dhiso, ma jiri doonto shirkad sadexaad oo u dhaxayn doonta labada qof xogtoodana haykarta, taasina waxay hawada ka saaraysaa awooda censorship ee dowladaha iyo shirkaduhu ay ku dhaqmaan. Maanta dowladaha waaweyn wararka ay jeclaanin ama xilliyada ay rabaan inay howlgal sameeyaan si kas ayey saxaafada ama internet-ka censor u saaraan, shirdkaduhuna muuqaalda ama qoraalada aysan jeclaanin si toos ah ayay khadka uga saaraan iyaha oo sabab uga dhiganaya Community guideline-kooda wax ka hor imaanaya inay yihiin, technology-dan cusub ee web 3.0 awoodaas oo dhan ee shirkadaha iyo dowladahu ay gacanta ku hayaan ayuu ka qaadayaa, taas badalkeedana dadka dhexdooda oo kaliya yacnii isticmaalayaasha ayaa data is dhaafsanaya, cidnana awood uma yeelan doonto inay wax inaga xirto, internet-kuna waxa uu noqonaya, meel bilaa xaruna oo wax censorship ah uusan ka jirin, dabacan maantaba internet-ku wax xarun ah malahan, balse waxa uu leeyahay shirkado traffic-ga internet-ka xakameeya, iyo shirkado badan oo matoorka wax raadinta sida Google-ka oo kale inoo suurta galinaya, iyo xarunta isgaarsiinta ee dowlada oo awood u leh in ay internet-ka xirto. 

Hadaba haddii internet-ka technology-yada web 3.0 lagu dhiso macluumaadka ama aqoonta internet-ka si sahal ah ayaan u heli doonaa, maanta qof walba sida uu internet wax u soo dhigayo waxaa marba marka ka sii dambeys sii adkaata in uu qofku si sahal uu ka helo xogta uu doonayo, web 3.0 algorithum khaas ah oo waxa uu leeyahay qofka u suurta galinayo inuu ilbiriqsiyo kudahood uu xogtuu raadinaayay ku helo. Sidoo kale xayaysiisyada tirada badan ee maalaa yacniga-ah aad ayay u soo yaraan doonaan, qof walbana xayaysiiska ku habboon ayuu arki doonaa, technology-dan maanta iyadu waxay ku dhisantahay in qofka la tusiyo hadba data uu isticmaalayo xayaysiiska ugu macquulsan ee lagu fakarayo inuu qofku u baahan yahay, taasina percentage maahane wax lagu guulaysto ma ay noqoto, inta hada aad muuqaal Facebook-ga ka daawanayso laga yaabee inay dhoor xayaysiis ay kaa soo horbaxaan, si ay u badan tahay oo lahubana xayaysiisyadaasi wax ku khuseeya ma ahan, laakiin hubaal waxaa ah waxa aad u baahan tahay oo qalbiga kuugu jira xayaysiis ahaan haddii kuugu soo gali lahaa muuqaalka inta aad joojiso ayaad xayaysiiskaas daawan lahayd ama link-ga xayaysiiska ayaad raaci lahayd, taasna qofka wax xayaysiistay aad ayay faa’ido ugu noqon lahayd, adiguna wixii aad u baahnayd ayaad heli lahay, technology-yadan cusub ee web 3.0 xayaysiisyadu waxa ay noqon doonaan kuwa hadba qofka doonistiisa khuseeya xayaysiisyo bilaa xuduuda sida maanta oo kale ma ay jiri doonaan aad ayaana xiligaas ganacsiga internet-ka loogu faa’idi doona.

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.