Bartamihii qarnigii labaatanaad dhowr saynisyahaniin ah ayaa waxa ay soo bandhigeen qaab cusub oo lagu samaynayo aalad garaad leh, ayagoo ka duulaya naqshadaynta si waafaqsan maskaxda bani-aadamka, aaladaasi ayaa waxay qabanaysaa howlo aad u badan, howlahaasi oo fududaynaya nolosha bani-aadamka, aaladaha noocasi ah ayaa waxaa markii dambe loo bixiyay magaca la dhaho Artificial Intelligence (AI).
Haddii aad cabsi ka qabtid in ay Artificial Intellingence ama aaladaha garaadka leh ay la wareegi doonaan shaqooyinkaaga, ama aad is leedahay waxay halis galin doonaan jiritaanka bini-aadamka, qormadaan ayaanu ku lafa guri doonaan su’aalahaas maskaxdaada ka guuxaya.
Technology-yadaan ayaa loo soo gaabiyaa (AI) waana qayb kamida cilmiga computer-ka waxayna daraasaysaa naqshadaynta aaladaha si waafaqsan shaqada maskaxda bini-aadamka si kooban waa isku darka maskaxda bini-aadamka awoodiisa iyo awooda aaladaan.
Artificial Intelligence waxaa u gaar ah sadex arrimood oo kala ah:-
1: Barashada joogtada ah
2: Xalinta Mushkiladaha
3: U dhaqmida qaab maangal ah
Sadexdaasi arrin ayaa waxay ka dhigaysaa aalada in ay u dhaqmayso si u dhow bani-aadamka, sidoo kale waxay ka koobantahay laba qaab
1: Weak Artificial Intelligence: aalada garaadka leh ee liidata, taas oo ah mid xalin karta hal mas’alo oo xisaab ah ama samayn karta hal shaqo, amaba ciyaari karta hal geam sida geam—ka Jeeska oo kale, taas ayaa waxay tahay mid aad u liidata marka loo bar bardhigo qodobka labaad.
2:Strong Artificial Intellingence: aalada garaadka leh ee xoogan, oo ah mid ka awood badan tii hore, ayaa waxay tahay mid mararka qaar samayn karta laxan ama music si u dhow maskaxda bini-aadamka, ayadoo hal-abuuri karta buuggaag, fikir, iyo waxyaabo kala duwan.
Baraha bulshada ayaa waxay yihiin kuwa aad u isticmaala aalada Artificial Intellingence, iyagoo u fududeeya dadka dhex mushaaxaya Facebook-ga, Twitter-ka, Instgram-ka, iyo Tiktok-ga, in ay helaan waxyaabo qanciya ama la sameeyo mowduucyo waafaqsan waxyaabaha ay daawadaan.
Google map-ka marka gashid si aad u aadid meel, ama goob aad rabtid inaad gaartid xilli, Google map-ka ayaa waxa uu ku siinayaa, waqti uu ku leeyahay, waxaad awooda in aad halkaasi ku gaartid daqiiqado intaas le’eg, koobitaankaas ama sheegida xilligaas ayaa waxay tahay howl ay qabato Artificial Intelligence (AI), sidoo kale waxaad si maalinle ah ugula dhaqantaa aaladaas adiga oo isticmaaliaya Gmail-kaaga, sida kala habaynta fariimaha ama Email-da ku soo gaara, iyo diyaarinta jawaabaha kookooban ee marwalba hoos kuugu yimaada si aad si dhakhsa ah uga jawaabtid Email-daada.
Artificial Intelligence ayaa mararka qaarkood howlaha uu qabto ugu muhiimsan ayaa waxa ay tahay in uu sawirkaaga iyo muuqaalkaaga aqoonsado , adiaga oo Facebook-ga ku jira ayaa aaxaad arkaysaa in uu ku leeyahay waxaa laguugu soo tag-gareeyay sawir ay soo dhigeen asxaabtaada, asaga oo ku leh isku tag-garee. Qabkaas ee ah inuu sawirkaaga garto ayaa waxay tahay howl ay aaladaasi qabato.
Sannadka marka uu ahaa 1997-dii ayaa ciyaar aad u kulul waxay dhexmartay Garry Kasparov oo ah ninka ugu xariifsan game-ka Jees-ka iyo computer ay samaysay shirkada IBM oo lagu magacaabo DEEP BLUE, ciyaartaas oo aad loo xiisaynaayay ayaa waxaa laysla gaaray 6 wareeg, wareegii koowaad ayaa Garry Kasprov ka adkaaday Computer-kii Deep Blue, halka wareegii labaad laga adkaaday, sadex wareeg oo ku xigana waxa ay ku dhamaatay barbar dhac, balse waredgii lixaad waxaa badiyay Computer-kii Deep Blue.
Culimada diidan in ay dhici karto xaalada The piont of singularty, ee aaladu ka awood badnaan karto bani-aadamka ayaa waxaa hogaamiya Noam Chomsky, oo ah saynisyahan ku takhasusay luqada iyo maskaxda, xaga Ray Kurzweil uu aaminsanyahay in 2045 ay Dhici Doonto xaalada the point of singularity, Ray kurzweil fikradiisa ayaa isna waxaa xoojinaya ninka caanka ah ee lagu magacaabo Elon Musk, oo isna aaminsan isla fikrada the point of singularity.
Hadaba isku soo wada duuboo AI ayaa waxa ay fududaysay nolosha bani-aadamka ayadoo ay u fududaysay insaankau in uu qabto howlo aad u badan, howlahaasi ayaa waxa ay aad u gobciyeen dhaqaalaha, teachnology-ga. Sayniska ayaa isna wuxuu rabaa in uu helo intaas iyo in ka badan, balse wali waxaa jirtaa cabsida laga qabo in Artificial Intelligence uu halis ku yahay jiritaanka bani-aadamka, gaar ahaan shaqooyinkii uu qaban jiray bini-aadamku
sababtoo ah haddii aad shaqo waysid waxaa halis ku jira jiritaankaaga.
sababtoo ah haddii aad shaqo waysid waxaa halis ku jira jiritaankaaga.
.png)