DEEP WEB | everything you need to know about Deep wep.

 Marka aad soo gasho internet-ka sida caadiga ah waxaad furtaa baraha bulshada sida Facebook, iyo Yuotube, amaba waxaad wax ka raadisaa aaladaha wax laga raadiyo sida Googl-ka, mararka qaarna waxaad wax ka dhex iibsataa suuqyada online-ka ah sida Amazon, iyo ebay, balse waxaa jira caalmkaas internat-ka mid ka duwan oo la dhaho Deeb web. 

Waa caalam kale oo ku dhex qarsoon internet-kan ee aynu maalin walba adeegsano, u ah gabaad dhammaan dambiilayaasha, argagixisada, iyonsirdoonka caalamka, waa meel aad ka heli karto hub, lacag, maandooriye, ama akoono banki oo la soo jabsaday, iyo xitaa xubno bini-aadam oo iib ah. 

Haddii aan si kale u dhigo waa meel aad wax walba oo aad ku fakaraysid aad ka heli karaysid, hadana sidaas oo ay taha hal click ama taabasho ayaa dhici karta inay soo afjarto noloshaada oo dhan, hadaba muuxuu yahau Deep web? Xageese ka yimi? Yaa maamula, sideese u shaqeeyaa?

Internet-ka waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood, oo kala ah servece web, iyo Deep web.

Servace web waa internet-ka caadiga ah, ee aan sida joogtada daqiiqad walba aan ugu isticmaalno shaqooyinkeena, waxbarashada, wada sheekaysiga, madadaalada, wax kala iibsiga, iyo raadinta macluumaadka, halka Deeb web uu yahay internet ka ballaaran midka caadiga ah ee aan naqoono, lehna kodad iyo luuqyo madow, oo ay adagtahay in la ogaado waxa ka dhex socda, sidoo kale waxaa loo yaqaanaa DARK WEB, oo Soomaali ahaan noqonaysa internwt-ka madow. 

Waa shabakad isku xiran kana kooban kumanaan iyo malaayiin website-yo iyo goobo lagu sheekaysto ah, kuwaas oo ka qarsoon isticmaalka caadiga ah, kaliyana lagu gaari karo isticmaalida Softwaro iyo applicationo u gooni ah, waa goob ay ku kulmaan dad u jeedooyin kala duwan leh kuwaasi oo u badan kooxaha falalka guracan ku shaqaysta, sida ka ganacsiga daroogada, xabnaha jirka bani-aadamka, iyo dhammaan waxyaabaha ee aan sida caadiga ah lookala iibsan, kawaran haddii aan ku dhaho in shabakadaasi ay ka kooban tahay %90 internet-ka la isticmaalo kana qarsoon isticmaalka caadiga ah, waxa uuna ka ballaaran yahay internet-ka kale, si kabadan inta aad qiyaasi karto, dadka ku dhex sheekaysta ama ku dhex ganacsada, wuxuu awood u siinayaa inay qariyaan magacyadooda, IP address-kooda, iyo dhammaan macluumaadka la xiriira xogtooda iyo waxa ay raafinayaan, midaas oo ka dhigaysa inay ku adkaato dowladaha iyo sirdoonada caalamka dabagalida howlaha ka dhex socda Deep web-ka, markii ugu horeysay, ee la isticmaalo Deep web, waxa ay ahayd bilowgii 90-kii waxaana abuuray ciidanka badda kuwaasi oo ugu talagalay, inay iskula wadaagaan xogohooda dahsoon, waxayna abuureen application caan noqday oo la yiraahdo TOR application-kaas ayaa ugu dambayn noqday cirbad ku taagan oo ay xakamayn waayaan kadib markii ay shacabka u fureen isticmaalkiisa bilowgii sannadkii 2000. 

Kadib markii uu inteenet-ka si toos ah ugu baahay isticmaalkiisu dowladaha caalamka ayaa bilaabay inay wakhti adag ku bixiyaan la socodka dhaqdhaqaaqa howlaha ay shacabka dalalkoodu ka dhexsameeyaan internet-ka, arrintaas ayaa keentay inay kooxo badan ku dhiiran waayaan in arrimaha qaar ay si toos ah internet-ka ugu soo bandhigaan, ama ay ka dhex raadiyaan kooxaha ka ganacsada hubka, daroogada, xubnaha bini-aadamka, iyo kuwa wax jabsada ee loo yaqaano hackers-ka, wayna ku dhiiran waayeen inay inay si toos ah xogaha la xiriira shaqadooda ka dhex raadsadaan shabakadaha caadiga ah ee internet-ka. 

Raadinta goob qarsoon oo ay ku fulin karaan, kaga ganacsan karaan, kuna wada sheekaysan karaan ayaa kor u qaaday isticmaalka Deep web, midkaasi oo u sahlay in si fudud oo aan magacooda iyo halka ay joogaan aan la ogaan karin ay kaga dhex shaqaystaan shabakadaha modowga ah ee aan la ogaan karin, ee Deep web-ka. 

Sannadkii 2013-kii FBI-da maraykanka ayaa xirtay shabakad la oran jiray Silk Road, oo ahayd middii ugu caansanayd uguna wayneeyd shabakadaha Deep web-ka, waxayna ahayd suuq wayn oo ay ku kulmaan nooc kasta oo kooxaha shabakadahan isticmaala ah, waxaana lagu iibin jiray wax kasta oo aadan malaysan karin, oo ay xitaa ku jiraan iibinta caruurta, xunha jirka, daroogada, siraha shirkadaha waaweyn, iyo maadooyinka halista ah noocyadooda kala duwan, dabagal dheer kadibna waxaa la soo xiray maskaxdii ka dambaysay shabakadan oo ahaa 29 jir u dhashay Maraykanka, oo la oran jiray, Ross William markii dambena waxaa lagu xukumay xabsi daa'in.

Si aan loo ogaan xogta la xiriirta kala iibsiga inta badan kooxaha isticmaala Dark web waxay adeegsadaan lacagaha digital-ka ah, lacagahaas oo sahlaya inaan la ogaan xogta diraha iyo loo diraha, waana mida ku adkaysay dowladaha inay si toos ah u dabagalaan. 

Sannakii 2020-ka ayaa FBI-da Maraykanku gacanta ku dhigeen bitqueen oo qiimihiisu yahay $1B (hal bilyan oo doolar) oo loo adeegsanayay suuqyada shabakadahan, sidoo kale bilowgii sannadkii 2021-ka ayaa booliska Jarmalka oo kaashanaya FBI-da Maraykanka, Australia, iyo booliiska Europe ayaa magaalada Oldenburg ee waqooyiga Jarmalka ku qabtay nin u dhashay waddanka Australia oo mudo lagu daba jiray, ninkaas ayaa waxa uu lahaa shabakad lagu dhex iibiyo lacagaha madow, kaararka bangiyada ee  been abuurka ah, taleefono aan raad raac lahayn, iyo daroogada, waxaan markii la xirayay uu haystay lacag gaaraysa €140M oo Euro, sidoo kalena waxaa la damiyay ku dhawaad labaatan srerver oo uu ka maamulaayay shabakadan, kuwaas oo kala yaalay dalalka Ukraine, iyo Maldova. Warbaxin uu soo saaray Bankiga adduunka sannadkii 2019-kii ayaa lagu sheegay in isticmaalka lacagta bitqueen ay shabakadaha ee Deep web-ka inuu sannadkii 2012-kii uu ahaa 250m oo kaliya, halkii uu sannadkii 2029 uu kor u dhaafay $1B waxana uuna warbaxin digniin iyo dhaliil xambaarsan uga digay dalal caalamka in qulqulka dhaqdhaqaaqyada sharci darrda ah ee shabakada mugdiga ee Deep web uu mustqbalka uu gaari karo heer aan la gaati karin oo aan soo qabasho lahayn, taas oo horseedi karta in dalal badan ay ku timaado daqaale burur ay ka timaado wax isdabamarinta baahsan ee ka dhex socota shabakadahan qarsoon.


Isticmaalka shabakadaan waa ka mamnuuc dalal badan oo caalamka ah, waxa ayna qofka u soo jiidi kartaa dhibaato uu kala kulmo sharciyada adag ee loo dajiyay si looga hortago halista ka imaan karta, sidoo kale ku dhiirashada iyo tijaabinta shabakadahaan waxa ay naftaada ku abuuri karaan, qal qal iyo walaac, sababtoo ah waxyaabaha lagu dhex iibinayo, oo aysan marar badan indhahaadu u dulqaadan karin daawashadooda, ugu dambayna waxa ay keeni karaan in ay ku dhexgaliyaan bad wayn hirar mugdi ah leh oo aadan si sahlan uga dhex bixi karin.

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.