What is cryptocurrency and how does it work?


 Isbadalada ugu waaweyn ee Nolosha ku soo aadan kuwooda ugu saamaynta badan waa isbadalada lacagaha, si tartiib tartiib ah adduunku waxa uu u gudbi doonaa isticmaalka lacagaha digital-ka ah, lacagta dollar-ka ahna hoos u dhac aad u wayn ayaa ku imaan doonta, lamana arki doono qof lacag caddaan ah gacanta ku qaadan doona, dadka oo dhan laga soo bilaabo mushaharkooda iyo shaqadoodaba mid digital ah ayay noqon doontaa, maantase lacagaha digital-ka ah noocooda koowaad waa lacagata  cryptocurrency-ga loo yaqaano, in badan oo dadka kamidana lacagahan crpto-da wax fikrad ah kama haystaan, balse maanta wixii ka dambeeya in ay wax ka fahmaan waxa ay u fududayn doontaa in ay wax ka arkaan mustaqbalka iyo sida ay wax ku sii socon doonaan.

Suuqa cryptocurrency aad iyo aad ayuu u wayn yahay, tusaale ahaan Bitcoin-ta kaliya ayaa maanta ah $804B ( sideed boqol iyo afar billon oo dollar) addunka maanta meesha uu maraayo oo ah kacaan electronic ah waa wac aad u cajiiba, dowladaha  qaarkood iyo shaqooyinka shirkadaha maaliyada shaqooyinkoodii baa halis ku jira technology-ga cryptocurrency-ga maanta meesha uu maraayo gacaankiisa wuxuu lamid yahay gacaanka internet-ka oo kale, internet-ka marka uu soo baxay shaqooyin badan buu khadka ka saaray, cryptocurrency-gana sidoo kale shaqooyin badan baa halis ku jira. Farsmada la dhaho blockchine ee ku shaqaysa cryptocurrency loogama cabsi qabo kaliya in ay shaqooyinka qaarkood khadka ka saarto waxaase looga cabsi qabaa xitaa mu'asasadaha ama hay'adaha maaliyadeed in ay khad ka saarto.

sannadkii 2008-dii hay'ado maaliyadeed oo badan oo ay dadka badankood aaminsanaayeen waxay la kulmeen wax la dhaho burbur dhaqaale (Economics Collapse) waana wakhtigii uu burburkii waynaa dhacay, bankigii ugu caansanaa wuxuu ahaa Lehman Brothers waana musallafay, bankigaas kaliya lacag hoos imaanaysey waxay gaareysay $600B ( lix boqol oo biyan oo dollar) waana bankiga maalgashi oo afraad ee ugu wayn Maraykanka, awooddii uu lahaa iyo wixii lacag hayayna waa kacday, tasoo kalena addunka badanka way ka dhacday. Hadaba suurayso hay'ado sidaas awood u leh baa shiiday, adduunkana waxaa soo maray bur bur dhaqaale kii ugu xumaaa ( the worst economic crisis) bankiyaasha kaliyana ma aysan saamaynin, oo xitaa daymihii badnaa ee ah dadka siin jiredn saamayn wayn ayay ku yeelatay, dad badan waa ku shiideen, sidoo kale waxaanan halkaas ka marnay magaalooyin iyo dowlado oo galay xaalad musallafnimo ah, wakhtigaasna wuxuu ahaa wakhti aad iyo aad u adag oo mugdi ah buu ahaa.

Capitalism ( Hanti-wadaaga) waxay la kulmaysaa challenge-yo aad iyo aad u adag wixii banki adduunka ku yaalayna way shiidayaan, Raabbi ka sokoow waxaa yimaaday badbaadiyihii loo baahanaa oo ah Satoshi Nakamoto, wuxuuna la yimaaday fikrad cusub amaba lacag cusub laakiin aan ahayn mid la taabban karo balse aad wax ku gadan karo, magaceedana la dhaho Bitcoin, mar kale iyo maqaal kale ayaynu Bitcoin kaligeed sharaxaynaa insha'Allah, hadase aynu si guud u sharaxno lacagaha cryptocurrency.

Dunida cusub ee maanta lacagaheedu waxay isu sii beddeleyaan qaab cusub oo danab (digital) ah. Waxaa laga yaabaa inaad u baratay lacagaha shilin Soomaaliga, Euro, Dollar, ama kuwa kale ee aad isticmaasho gacantana ku qaban karto ama arki karto, adigoo meel walba u qaadan kara ama siin kara qof walba oo markaas u baahan. Hadda dunida sidaasi waa ay ka tagtay oo waxaa soo baxay lacago hawo ah oo qaab digital ah leh. Waxaa laga yaabaa in aad lacagahaan taqaanno waddammada soo saaray ama adeegsada. Tusaale ahaan, lacagta doollarka Maraykanka waxaa iska leh dalka Maraykanka, lacagta shilin Soomaaligana waxaa iska leh dalka Soomaaliya, balse lacagaha digitalka ahi waa ay ka duwan yihiin kuwaas. Ma jiro gooni u leh ama si gaar ah u maamuli kara. Waa lacago digital ah oo aadan arki karin, taabanna karin ee kaliya aad isticmaali karto kumbuyuutarkaaga iyo Internet-ka. Lacagahan caadiga ah ee hadda dunida ka jira waa lacago dowladaha leh tartan ka dhexeeyo oo dowlad kastaana rabto lacagteeda inay awood u yeesho oo ay ka sarrayso lacagaha kale, se lacagahaan cryptocurrency-ku waa ay ka duwan yihiin, waayo tartan kama dhaxeeyo. Lacagahaan hadda aynu isticmaalno shacabku awood u malaha in ay soo saaraan ama ay ka qayb halaan go'aammada lacagahaan, balse lacagaha cryptocurrency qof walba ayaa ka qayb gali kara haduu haysto kumbuyuutar iyo internet uuna fahansanyahay sida ay u shaqeeyaan sofiweerada ku dhisan lacagahaan.

Lacagahaan cryptocurrency-ga ah ma lahan maalmo u go'an ee maalin walba ayaad isticmaali kartaa adigoo dunida meel kasta ka jooga. Lacagahaan hadda dunida ka jira awood ma siiyaan dadka shacabka ah, balse lacagahan cryptocurrency-ga ah qof walba ayaa ka qayb qaadan kara. Tusaale ahaan, qofka jooga dunida saddexaad, sida Africa, wuu ka qayb qaadan karaa lacagahaan cryptocurrency-ga, waayo uma baahna bangiga in uu soo furto ama uu mara nidaamyada bangiyadu ay dadka marsiiyaan. 

Suuqani ma ahan, sida suuqa Forex oo kaliya furan Isniinta ilaa Jimcaha. Suuqaan cryptocurrency wuxuu furan yahay ilbiriqsi kasta, maalin iyo habeen. Ma laha wax la dhaho nasniino, mana lahan wax la dhaho London/New York session ( xilli ganacsiyeedka London/New York) ayaa furmay ama xirmay. Suuqa Forex waa suuq dowlado iyo bangiyada waaweyn awooddiisa gacanta ku hayaan balse suuqa cryptocurrency awooddiisa waa loo simanyahay. 

Suuqa cryptocurrency ma lahan dullaal ku qiyaami kara ama meel qaldan kugu jihayn kara, waayo badanaa u ma baahnid inaad isticmaasho dullaal ee adiga ayaa kumbuyuutarkaaga ku soo dagsan kara softiweerkaa. Laakiin dadka cusub dullaal ayay isticmaalaan, sida Binance iyo Coinbase. 

Suuqa crypto wax badan kama duwana suuqyada kale, sida Stock Market ama Forex Market. Waxaad fiirinkartaa jaantusyada kala duwan. Sidoo kale, wuxuu leeyahay waqti kuu sheegaya qiimaha lacagta halkay marayso saaddii, diqiiqadihii, asbuucii, bishii ama sannadkii. 

Suuqaan cryptocurrency lacagihiisa waxaa ugu wayn lacagta Bitcoin (BTC) oo ah hooyada lacagaha digital-ka ah oo dhan. Waayo Bitcoin waxay ahayd lacagtii digitaal ugu horreeysay oo caalamku ay wada qaateen. Sidoo kale waxaa iyaganu kamida lacagaha ugu waaweeyn suuqaam  crypt-da Ethereum (ETH) Binance coin (BNB) Solana (SOL) iyo kuwa kale oo kooban. 

Lacagaha suuqaan ku jira way ka bafan yihiin lacagaha suuqa Forex ku jira. Waqtigaan hadda la joogo waxaa jira 14,100 oo lacagood oo cryptocurrency ah. 14 kun oo lacagood aad bay u badan yihiin balse ayaga oo dham isku mid maahan. Lacagaah crypto qaar waa kuwo aan faa'ido lahayn oo qasaaro socoto ah loona baahan yahay inaad iska ilaaliso. Suuqaan cryptocurrency wuxuu ka faa'ido badan yahay suuqyada kale matka loo eego shantii sano ee ugu dambeysay. Suuqaan cryptocurrency waxaad u isticmaali kartaa ama u gali kartaa ganacsade ahaan ama maalgashade ahaan.

Suuqan ma ahan, sida suuqa Forex oo keliya aad raadinayso in uu sarrifku uu dhaqaaqo waayo maba jiraan lacago la isku sarrifo oo tartan ka dhaxeeyo. Bitcoin haddaad rabto waxaad ku iibsan kartaa lacagaha dunida laga isticmaalo ama lacago kale oo cryptocurrency ah. cryptocurrency ayaad cryptocurrency kale ku iibsan kartaa adiga oo hadda lacagaha aan naqoono isticmaalin.

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.