Qof kasta oo inaga mid ah maanata waxa uu iswaydiinayaa xirfada uu leeyahay iyo shaqada uu qabto ilaa iyo xilliga ay sii jiri karto. Nolosha aadamaha oo ku dhisan hayaan iyo raadin wax cusub ayaa maalin walba meel u guurta, waxaana adag in qofka aan qaybta ka ahayn geediga uu la jaanqaado Nolosha casriga ah ee aadka isku badalaysa, dad badan ayaa sannad walba ka daga liiska shaqooyinka halka kuwa cusubna ay ku soo biiraan. Xirfadaha qaar ayaa muhiim loo arkaa halka kuwa kale oo xilli kamida xiliyada muhuum ahaa si fudud suuqa looga saaro. Horumarka dalalakana waxaa jiheeye u ah hadba xirfadaha ay dadkiisu leeyihiin iyo sida ay nolosha casriga ah qayb uga sii ahaan karaan, hadaba marnaba maku fakartay qaabka ay shaqooyinku mustaqbalka noqon doonaan, iyo noocyadooda loogu baahi badan yahay.
Mustaqbalka shaqooyinku waxa ay noqotay su'aal iswaydiinteedu ay ka taagan tahay meel walba oo caalamka ah, soo ifbixda nidaamka casriga ah ee wax soo saarka ayaa shaqooyin badan ka dhigay kuwa aan lahayn saamayn iyo muhiimad sidaas u sii wayn, waxaana markiiba fududaatay in si fudud loogu badalo mashiino ama loogu guuro xirfado kale oo si ka casrisan u qabanaya kuwii markaas joogay, tusaale ahaan baabuurta kaligood is kaxeeya, mashiinada caafimaadka ee u fuliya qaliinada qaabaka dijitaalka ah, kombuyuutarada casriga ah ee dhowrka shaqo halmar isku qabanaya, iyo xirfado kale oo aan tiro lahayn ayay tiknoolojiyada casriga ah meesha ka saartay, haddana dhanka kale si kasta oo tiknoolojiyada iyo habka shaqadu u horumarto haddana waxaa loo baahan yahay xirfado la jaanqaadi kara sahanka mustaqbalka .
Ardaygu marka uu jaamadda xaraysanayo ama uu rabo in uu bilaabo qaab waxbarasho kale, waxa ugu wayn ee fakarka ku abuuraya waa wixii uu baran lahaa isaga oo ku salaynaya baahida xirfadaasi ay leedahay mustaqbalka. Inta badan dadku waxa ay waqtiga iyo xoogooda ku lumiyaan xirfado si fudud mustaqbalka looga maarmi karo ama ay badali karto tiknoolojiyadu, tusaale ahaan xog ururin ay samaysay hay'ada World Economic Forum sannadkii 2018-kii ayay ku sheegtay in dalka Maraykanka ay hoos u dhaceen shaqooyin badan oo u badnaa dhanka gacan ka qabashada sida xog haynta, daabacaada, suuq gaynta, iyo shaqooyin male oo badan. Halka dhinaca kale saru u kac laga dareemayo baahida loo qabo dadka yaqaana xirfadaha kumbuyuutarka iyo tiknoolojiyada, in kasta oo xirfad walba oo la baranayo ay qofka anfacayso haddana qofka dhalinyarada ah ee maanta nool waa in uu u fakaraa si ka duwan sidii ay jiilkii ka horeeyay u fakari jireen, sababtoo ah waxaa is badalay dhammaan hab nololeedkii dunnida, adduunkiina waxa uu noqday shabakad yar oo isku xiran. Shaqo walbana sidii shalay loo qaban jiray maanta looma qabto berina looma qaban doono, hadaba maxay yihiin shaqooyinka loogu baahida badan yahay mustaqbalka.
1: Cload comluting (kaydka daruuraha)
waa xirfad cusub oo ku soo biirtay suuqa tiknoolojiyada, waxa ayna markiiba la soo shirtaktay baahi aad u ballaaran oo loo qabo shirkadaha iyo dadka xogaha kaydiya oo dhib badan ku qaba kaydinta xogta waxa ayna inta badan xogaha ku kaydiyaan kambuyuutarada, iyo aaladaha xogha lagu kaydiyo ee waraaqaha ah, halista ugu badan waxa ay ahayd in xogta halmar lawaayi karo ama ay lumi karto. Xirfada Cload Computing ayaa waxa ay sahlaysaa in xogaha lagu kaydiyo qaab online ah, oo uuna qofku heli karo xogtiisa meel walba uu joogo isaga oo aan u baahan inuu joogo xafiiskiisa, sidoo kale waxa uu fududeeyay in la helo kayd wax badan ka ballaaran kan caadiga ah, dadyar ayaa xirfad u leh sida loo abuuro kayd daruureed inta badana dadka xirfadan leh ayaa ku shaqeeya mushahar aad u sareeya maadaama ay xalliyeen. Xirfadan waxaa barran kara qof kasta waxa ayna si gaar ah u sii anfacaysaa dadka leh xirfada kumbuyuutarka. Cload camputing maanta waa xirfada loogu doonista badan yahay dunnida horumartay, tusaale ahaan dalka Maraykanka waxa uu ka yahay %20 dhammaan shaqooyinka la soo bandhigo .
2:Artificial intelligence (garaadka macmalka ah)
Waxaa hubaal ah inaad maqashay gaari aadan u baahanayn in uu qof kuugu ka xeeyo, mashiiso la wareegaya shaqooyinkii dadka, qalab fahmaya hadalka dadka una jawaabaya, iyo dhammaan nidaamyada loo yaqaano casriyayta shaqooyinka, waxaana suurta galiyay tiknoolojiyada loo yaqaano artificial intelicgence ama caqliga gacan ku samayska ah. Qaabkaan ayaa ah habaka kumbuyuutarada iyo qalabka kale loo baro inay u shaqeeyaan si iskood ah iyaga oo qabanaya shaqooyinka dadku ay qabtaan. Aaladahan ayaa la baraa luqad loo yaqaano Code taas oo u sahlaysa in mashiinku fahmo dadka una shaqeeyo si fudud oo ka qiimo badan shaqada dadka caadiga ah ay qabtaan. Barashada xirfadan iyo xirfadaha la xiriiraba waa halaka mustaqbalka shaqooyinka saldhiga u noqondoonta. Dadka leh xirfadaha programin-ka ayaa noqon doona kuwa ay shirkaduhu aad u raadiyaan maadaama xowliga tiknoolojiyadu ay ku socoto uusan u saamaxay inay sii joogaan halka maanta lamarayooo ay u baahan yihiin in ay marwalba la yimaadaan hal abuur cusub barashada xirfadan maahan mid fudud dhanka kalena maahan mid aad u adaga qofkii wakhti badan galiyana guul ayuu ka gaari karaa.
3: Cyber security ( ammaanka internet-ka)
Ceyber security waa xirfad la xiriirta ilaalinta amniga shabakadaha internet-ka waxa ayna kamid tahay xirfadaha aadka loo raadiyo mustaqbalkana saamaynta xoogan leh maalin walbana waxaa la jabsadaa macluumaad aad u muhiim ah oo ay leeyihiin dowladaha, shirkadaha, iyo shakhsiyaadka muhiimka ah iyada oo loo dhacayo kaydka xogaha bankiyada iyo shabakadaha lagu kaydiyo siraha shirkadaha iyo dowladaha ayaa ah goobaha ugu badan ee la weeraro. Sidaas darteeed waxaa aad loogu baahday in lahelo dad xirfad u leh ilaalinta kaydka xogaha, dadka barta xirfada loo yaqaano internet security ama ceyber security ayaa ah dad aad loo raadiyo mushahar badana hela. Xirfadaan ayaana mustaqbalka muhiim sii ahaan doonta maadaama adeegsiga internet-ku aad u sii kobcayo, sidoo kalena kooxaha weerar ama jabsada macluumaadka ayaa iyaguna sii kordhaya, mar walbana dagaalku wuu sii soconayaa xirfadan muhiim ayay sii ahaan doontaa.
4: E-commerce ( suuqyada online-ka ah)
Suuqyadaani waxa ay kamid noqdeen xirfadaha sida xowliga ah suuqa ku soo galay waxa ayna badaleen jihaddii ay ku socotay nidaamka wax kala iibsaga caalamka, shirkastaana waxa ay maanta juhdi ku bixisaa, siddii ay uga soo muuqan lahayd internet-ka, aalabaha iyi adeegyada ay bixisona ay ugu dhex iibin lahayd internetka. E-commerce waa bah wadaag qaybo kala duwan leh oo mid walba uu u baahan yahay xirfad sarraysa waxayna udub dhexaad u tahay nidaamka suuqyada casriga ah oo aad ugu fidaya dunnida, oo fursad uu qofku ku abuuri karo hanti isaga oo aan u baahan raasumaal badan sida ganacsiga caadiga ah. Insha'Allah maqaal gooniya ayaa si intaan ka sii faahfaahsan uga hadli doonaa.
5: web development ( horumariyaha website-yada)
Qofka website-yada horumarinaaya waa qofka mas'uulka ka ah dhisida website-yada isga oo adeegsanaaya luqadaha programing-ka ee kala duwan, tusaale ahaan JavaScript, Phython, PHP, C#, iyo MySQL, waana mid kamida shaqooyinka ugu dalabka badan, arrinka xiisaha leh baa wuxuu yahay inaanuu qofka xirfadahaan leh u baahnayn in uu aado goobta shaqada si uu shaqadiisa u qabto isaga oo gurigiisa jooga amaba dalxiis ku jira ayuu shaqadaan qaban karaa. Mowduucanina wuxuu u baahan yahay isna maqaal gooniya, waxaana insha'Allah ku kafa guri doonaan, maqaal kale oo gooniya.
Haddaba akhrista shaqadee ayaa adigu aad uga heshay amaba ay tahay mida aad ku haminaysay? Sidoo kale qodobkee baad u baahantahay in si fiican aan u galno oo aan maqaal gooniya ka samayno? Mase jirtaa nooc kale oo shaqooyinkaan ka baxsan oo aad niyada ku hayso, balse aad macluumaad uga baahantay? Fadlan qaybta comment-ga nagula wadaag.