Dunidu waxay ku socotaa isbadal wayn oo badali doona qaabka nolosheena, fekerkeena, dhaqaalaha, dabeecada, waxbarashada, qaabka maamulka, sidii loogu fakarayay computer-da quantum-ka, kacdoonka warshadaha afraad, iyo caqliga macmalka ah ee robot-yada. Waxaa imaaday hada technology-yad intaa oo dhan lafdhabar u ah, waana Bolockchine.
Blockchine-ku waa mid kamida teachnology-dii ugu waynayd ee qarnigii 21-aad bini-aadamku uu helay, dadka badankood wali technology-dan wali ma aysan maqlin balse waa daahfur badali doona qaabka nolosheenii, qaabka shaqada, iyo waxyaabo badan oo lamida,.
Blockchine waa tignolojiyad data-da iyada oo aan xarun loo baahan si kalsooni ay ku jirto loogu ilaaliyo, mustaqbalka dhowna dadka oo dhan si fiican ayay u maqli doonaan, xitaa awoowayaasheen ayaa maqli doona, waayo nolosheena oo dhan tignoolojiyadan ayay ku dhismi doonta, bolockchine-ku waa tiknoolojiyad inoo suurta galinaysa in xogtaada aysan qofna ogaan, tusaale haddii Soomaaliya aad joogto dhanka lacagaha waxaad isticmaashaa nidaamka EVC, SAHAL, IYO ZAAD, hadaba dhaq-dhaqaakaaga inta lacag ee taleefankaaga ku jirta qofka lacagta aad u dirayso iyo qadarka lacageed ee bishii ku soo gala shirkadaadu si toos ah ayay ula socondoontaa, si kastoo taleefankaagii lacag ay ugu jirto, hadana shaqaalaha nambarkaagi yaqaana, oo shirkada u shaqeeya si fudus ayuu xogtaadii ku heli karaa, tanina waxaa lamida xitaa wadamada horumaray, Bankiyada akoonka qofka inta lacag ee ugu jirta goorta uu kala baxay, qofka uu u diray, iyo lacagta halka ay uga imaatay si toos ah ayuu bankigu ula socdaa tanina maanta, addunka oo dham qaabka kaliya, ee looga hortagi karo waa blockchine.
Bolockchine-ku dhinac waa teknoolojiyad qofka xogtiisa ka dhigaysa mid adduun waynaha, oo dhan uu arki karo balse aan la ogaan karin, tusaale adiga oo isticmaalaya blockchine haddii saaxiibkaaga uu $10 oo kaliya aad u dirto adduunka oo dhan qof walba ayaa arkaya in $10-kaa qof loo diray, laakiin qofkee ayaa lacagtan loo diray, waddankee ayaa loo diray, yaase qaatay, su'aalahani iyo kuwa lamidka ah lama ogaan karo, si kale waa tiknoolojiyad shaqsi ka sakoow xitaa shirkadaha amni u ah, mustaqbalka dhowna casharo tiknoolojiyada ku saabsan ayaa laga yaabaa in waxbarshada lagu soo daro, si jiilka cusub loogu diyaariyo fahamka tiknoolojiyada.
Hadaba bolockchine waa tiknoolojiyad dhinac walba loo isticmaali karo, ma ahan tiknoolojiyad lacag oo kaliya loogu talagalay, laamaha kala duwan ee nolosha ayaana loo isticmaali karaa waxaana kamida:-
Heshiisyada, Tusaale haddii labo shirkadood ay wax kala saxiixanayaan muhiim ma ahan in waraaqad dusheedii saxiix in la dulsaaro, xitaa marmarka qaarkood ashqaasta waxaa suurtowda ballanta ay kala dhigteen in ay ku kala boodaa ama midkood uu khiyaano sameeyo, laakiin tiknoolojiyadani wixii la galiyo, marnaba lagama yaabo in laga tirtiro ama la badalo, xitaa qofka suurtagal uma aha xogta lagaliyo bolockcineka inuu jabsado, oo wax uu ka badalo, adduunka oo dhan ayaa heshiiskaas ay labadaa qof wada galeen arkaya, tusaalaha ugu fiican ee aan u soo qaadan karnona waa tiknoolojiyada Ethereum-ka ama coins-ka dunida cryptocurrency-ga dhexdiisa waxaa suurta gala inaad ku aragto address-yo contaract ah badanaana coins-ka contract-yadan oo kale leh waxay ku dhisan yihiin tiknoolojiyo lamida tiknolojiyada Ethereum-ka oo kale ah, sida Solana, Binance, smartchine, iyo kuwa badan oo lamida. Contract-yadana qofka si toos ah isaga oo isticmaalaya ayuu ku iibsan karaa coin-ka uu rabo, marka uu qof coin iibsadona adduunka oo dhan ayaa ilbiqriqsiyo kudaheed arkaya, dhammaan computer-duna wax ay u codaynayaan si xowli ah in hebel uu coin-kaas uu iibsada, coins-kuna maadaama ay caan yihiin waa tusaalaha ugu fudud ee qof walba uu ku fahmi karo heshiiska bolockchine-ka, shan sano kahor coin-kii aad iibsatay haddii qof dunida geeskeeda ku sugan uu isku dayo inuu baaro dhaqdhaqaaga si toos ah ayuu u arki kara cimrigaagii heshiisyada aad halkaa ku gashay, lacagta aad galisay, iyo mida aad kala baxday.
Sidoo kale dunida isbadal wayn baa la filayaa markuu soo baxo Technology-yada web 3.0 waxay ku dhisantahay blockchain, fahamka tech-jiyada mustaqbalka oo dhana waxay ku xirantahay blockchine, qof aanan fahamsanayn blockchine, NFT, Metaverse, CRISPR, Cryptocurrency iwm, suurtagal maaha technology-yada iyo internet-ka soo socda inuu wax badan uu ka fahmo, xitaa metaverse-ga Facebook-ga, NFT buu ku dhisanyahay.
Haddii aan xoogaa ballaariyona blockchine waa technology-yad inoo suurta galinaysa in aan ka maarano xarun gaar ah, haddii ay noqon lahayd Bank, waxbarasho, shaqo, ama wax walba oo ay khasabtahay in aan xarun u aadno. Sidoo kale mustaqbalka dhow aad bay u soo yaraan doonaan, Bank la socon doona dhaq-dhaqaakagaagga lacageed, iyo dowlad aad ka baqayso in canshuur badan ay kaa qaado, sidoo kale cidinna ma ay ogaandoonto isticmaalka technology-yadan waxa kuu qarsoon iyo waxa aad haysato, waayo blockchine-ku waa tech-yad aanan u baahnayn magac, sawir, address, iyo dhammaan waxyaabaha maanta la iswaydiiyo.
